HomeWararHowlgal Duqeyn Ah oo Lagu Dilay Xubin Sare oo Ka Tirsan AS

Howlgal Duqeyn Ah oo Lagu Dilay Xubin Sare oo Ka Tirsan AS

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Shabeellaha Dhexe – Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay xubin sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaas, oo ka dhacay deegaanka Ceelbacad ee hoos taga degmada Ruun-nirgood, lagu dilay Yuusuf Dhegnaas, oo ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab ah, iyo dagaalyahanno kale oo tiradoodu ka badan tahay 20 xubnood.

- Advertisement -

Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay kooxdu isticmaashay, sida lagu sheegay bayaanka hay’adda.

NISA ayaa xustay in howlgalka uu ahaa duqeyn si taxadar leh loo fuliyay, islamarkaana uu qeyb ka ahaa dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab. Hay’addu waxay intaas ku dartay in saaxiibada caalamiga ah ay gacan ka geysteen fulinta duqeyntan, iyagoo taageero ka siinayay dhanka sirdoonka iyo farsamada.

Sida lagu sheegay warbixinta NISA, Yuusuf Dhegnaas ayaa muddooyinkii dambe ku hawlanaa abaabulka weerarro iyo cabsi gelinta dadka deegaanka, taasoo qeyb ka ahayd qorshayaal lagu carqaladeynayo amniga gobollada dalka.

- Advertisement -

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli si xooggan uga socda qeybo badan oo dalka ah, iyadoo ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay kordhiyeen weerarrada ka dhanka ah kooxdaas.

 

 

Latest stories