HomeWararCiidanka Xoogga oo Guul Weyn ka Gaaray Dagaal ka Dhacay Gobolka Shabeellaha...

Ciidanka Xoogga oo Guul Weyn ka Gaaray Dagaal ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garabsanaya ciidamada deegaanka ee Macawisleyda, ay jab culus u geysteen dagaalamayaasha AS kadib dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Boos Hareeri.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii dagaalamayaal ka tirsan AS ay isku dayeen weerar qorsheysan oo ay la beegsadaan saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin halkaasi. Si kastaba ha ahaatee, wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay si buuxda u ogaayeen dhaq-dhaqaaqa cadowga, taasoo siisay fursad ay uga hortagaan weerarka.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada huwanta ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacado badan, balse ay ugu dambeyn gacanta sare yeesheen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawisleyda, kuwaasoo dhirbaaxo culus ku dhuftay AS. Sida wararka hordhaca ah ay sheegayaan, ugu yaraan 20 dagaalame oo ka tirsanaa AS ayaa lagu dilay dagaalka, kuwaasoo la xaqiijiyey inay ka mid ahaayeen xubno sare oo ka tirsanaa kooxda.

Dhinaca kale, ciidanka huwanta ayaa gacanta ku dhigay hub, saanad ciidan iyo gaadiid dagaal oo ay wateen AS, taasoo hoos u dhigtay awooddii ay kooxdaasi ku lahayd goobta dagaalka.

Guushaan la taaban karo ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ka wadaan sidii AS looga xoreyn lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

- Advertisement -

Ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada lagu ciribtirayo AS, iyagoo horey guulo uga gaaray dagaallo ka dhacay meelo kala duwan oo dalka ah.

Saraakiisha milatariga ayaa tilmaamay in dagaalka ay sii wadi doonaan illaa AS laga cirib tiro gobolladaasi, halka shacabka deegaanka ay si weyn ugu garab taagan yihiin dadaallada ay dowladda iyo ciidamada deegaanka wadaan.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ciidamada huwantu howlgallo ballaaran ka sameeyaan deegaanada ku dhow Boos Hareeri, si loo xaqiijiyo nabadda loona sugo ammaanka shacabka ku dhaqan halkaasi.

Wixii warar ah ee kusoo kordha howlgalka, wararkayaga danbe ayaad ku heli doontaan.

 

Latest stories