HomeWararMW Xasan Sheekh oo Khudbad Xasaasi ah Ka Jeediyay Dagaalka AS iyo...

MW Xasan Sheekh oo Khudbad Xasaasi ah Ka Jeediyay Dagaalka AS iyo Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo marxaladda siyaasadeed ee dalka. Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray dagaalka ka socda furimaha kala duwan ee dalka, isaga oo xusay in dagaalku yahay mid guulo laga […]

- Advertisement -

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo marxaladda siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saaray dagaalka ka socda furimaha kala duwan ee dalka, isaga oo xusay in dagaalku yahay mid guulo laga gaaray, balse ay jiraan dadaallo barobagaando ah oo lagu wiiqayo guulahaasi.

- Advertisement -

“Furunta dagaalka marna waa lagu riixaa, marna waa lagaa riixaa. Markii dagaal nagula jabin waayay, ayaa la rabaa in barobagaando nagula jabiyo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Madaxweynaha ayaa xusay in ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed ee la dagaallamaya Al-Shabaab ay yihiin geesiyaal ay dowladdu kalsooni buuxda ku qabto.

- Advertisement -

“Wiilasha Soomaaliyeed, ciidan ha ahaado ama macawis ha watee, waan ku kalsoonahay. Waxaa naga soo horjeeda kuwo maandooriye lasoo siiyay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay xaaladda amniga dalka, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay maanta nabad hesho, inkasta oo ay jiraan dad warinaya sawir aan sax ahayn.

“Dad Soomaaliyeed oo nabad ka baqaya ayaa jira, laakiin nabadda maanta la haysto waxay keentay in waddooyinka lagu afuro,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo xusay in horumarka laga gaaray amniga ay tahay in si sax ah loo muujiyo.

 

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha ay Al-Shabaab ku sugan yihiin, maadaama ay dowladdu wado qorsheyaal ballaaran oo lagu beegsanayo maleeshiyada argagixisada ah.

“Nimankaas AS ah halaga fogaado, cir iyo dhul iyo meelkasta waa laga duqeynayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khudbaddan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Al-Shabaab, islamarkaana ay wado dadaallo amniga dalka lagu xoojinayo.

 

Latest stories