HomeWararRW Xamse oo maanta Khudbad Xasaasi ah jeedinaya Shir ka dhacaya Qaahira

RW Xamse oo maanta Khudbad Xasaasi ah jeedinaya Shir ka dhacaya Qaahira

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo wafdigiisa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu uga qayb galayo shir madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imanayaan Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta. Shirka, oo si rasmi ah uga furmaya Qaahira maanta oo Talaado ah, ayaa diiradda lagu […]

- Advertisement -

Waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo wafdigiisa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu uga qayb galayo shir madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imanayaan Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirka, oo si rasmi ah uga furmaya Qaahira maanta oo Talaado ah, ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda adag ee ka taagan Marinka Gaza, iyadoo la filayo in hoggaamiyeyaasha Carabta ay ka arrinsadaan sidii wax looga qaban lahaa xasuuqa iyo gumaadka lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in uu shirka ka jeediyo khudbad muhiim ah oo si qoto dheer u taaban doonta mowqifka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee la xiriira xaaladda Falastiiniyiinta.

Waxa uu si gaar ah uga hadli doonaa hadalkii muranka dhaliyay ee dhawaan kasoo yeeray Israa’iil, kaas oo ku saabsanaa qorshaha barakicinta shacabka reer Falastiin iyo in loo raro dalal ay ka mid tahay Soomaaliya. RW Xamse ayaa si cad u muujin doona sida ay dowladda Soomaaliya uga soo horjeeddo go’aamadaasi iyo mowqifka qaldan ee Israa’iil.

Intaa waxaa dheer, shirka ayaa sidoo kale xoogga lagu saari doonaa xaaladda cakiran ee dalka Suudaan, halkaas oo ay weli ka taagan tahay colaado ba’an oo saameyn ku yeeshay malaayiin dad ah.

- Advertisement -

Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta ayaa yeelan doona dooddo lagu raadinayo xal waara oo lagu daminayo dagaallada ka socda dalkaas.

Wufuudda kala duwan ee ka qayb galaysa shirka ayaa jeedin doona khudbado, waxaana la filayaa in laga soo saaro bayaan mideysan oo ka tarjumaya mowqifka Carabta ee la xiriira arrimaha Falastiin iyo Suudaan.

Shirkan oo kusoo beegmaya xilli xaaladda gobolka ay aad u kacsan tahay, ayaa loo arkaa mid muhiim u ah isku-duwidda mowqifka wadamada Carabta, si gaar ahna u xoojinaya codka mideysan ee ay u dirayaan beesha caalamka.

Latest stories