HomeWararGolaha Warbaahinta Madaxbanaan oo Cambaareeyay Xarigga Wariye Cali Adan

Golaha Warbaahinta Madaxbanaan oo Cambaareeyay Xarigga Wariye Cali Adan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Golaha Warbaahinta Madaxabannaan ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga wariye Cali Aadan Muumin, kaasoo xalay lagu xiray magaalada Muqdisho. Golaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo, iyaga oo xusay in xarigga wariyaha uu ka hor imanayo xeerarka xuriyadda saxaafadda. Hadalka Saxafiyiint Madaxbanaan ayaa yimid kadib, Booliska gobolka Banaadir ayaa xabsiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Warbaahinta Madaxabannaan ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga wariye Cali Aadan Muumin, kaasoo xalay lagu xiray magaalada Muqdisho. Golaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo, iyaga oo xusay in xarigga wariyaha uu ka hor imanayo xeerarka xuriyadda saxaafadda.

Hadalka Saxafiyiint Madaxbanaan ayaa yimid kadib, Booliska gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay Cali Aadan Muumin, oo ka mid ah wariyeyaasha ka howl gala Muqdisho. War kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in wariyaha loo haysto “qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed”.

- Advertisement -

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga Xamar Weyne, ayaa soo xiray eedeysane Cali Aadan Muumin, oo lagu eedeeyay falal ay ka mid yihiin qalqal gelin amni iyo aflagaado madaxeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Booliska ayaa sidoo kale intaas ku daray in wariyaha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh si loo maro habraacyada sharciga ah.

Xariggan ayaa yimid xilli sii kordhayaan walaacyada la xiriira xuriyadda saxaafadda Soomaaliya, iyada oo hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo ururrada warbaahinta ay marar badan cambaareeyeen xarigga suxufiyiinta iyo cabburinta saxaafadda madaxa bannaan.

- Advertisement -

Waxaa weli laga sugayaa in hay’adaha garsoorku ay go’aan rasmi ah ka gaaraan kiiska wariye Cali Aadan Muumin, halka ururrada saxaafadda ay ku baaqayaan in xorriyaddiisa loo soo celiyo si uu shaqadiisa u sii wato.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts