HomeWararFaah faahin: AL-Shabaab oo saaka Weerar Culus kusoo qaaaday Degmada Balcad

Faah faahin: AL-Shabaab oo saaka Weerar Culus kusoo qaaaday Degmada Balcad

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Dagaal culus ayaa saaka aroornimadii hore ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen magaalada.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo amni, dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay inay la wareegaan gacan ku haynta degmada, balse waxaa iska caabiyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo iska kaashaday difaaca magaalada. Dagaalka ayaa la sheegay inuu socday saacado, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

- Advertisement -

Guddoomiyaha degmada Balcad, oo la hadlay warbaahinta Dalsan, ayaa xaqiijiyay in Ciidanka dowladda ay si buuxda u sugeen amniga magaalada, kadib markii ay dagaalyahannadii weerarka soo qaaday dib uga saareen. “Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka waxay guul weyn ka gaareen dagaalka, waxayna khasaare xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa intaas uu ku daray in weerarka qaraxyo ah ay ku billaabeen, si Ciidanku u argagaxaan, balse taasi ma dhicin sida uu xaqiiyay Guddoomiyaha degmada.

Meelaha muhiimka ah ee magaalada sida Buundooyinka iyo goobaha kale ayuu sheegay inay rabeen inay qaraxyo ku xiraan.

- Advertisement -

Balcad oo ah magaalo istiraatiiji ah oo u dhow caasimadda Muqdisho ayaa marar badan bartilmaameed u noqotay weerarro ay Al-Shabaab ka fuliyaan. Haddana, su’aalaha taagan ayaa ah sida ay kooxdu ugu suurtagashay inay weerar gaadmo ah ku qaado degmada, iyada oo aanay jirin xog horudhac ah oo ka digaysay dhaqdhaqaaqa kooxda.

Ciidamada amniga ayaa weli ku sugan magaalada, iyaga oo wada baaritaanno dheeraad ah si ay uga hortagaan weerarro kale oo dhici kara.

Latest stories