HomeWararCiidamada Difaaca Puntland oo Wejiga Labaad ee Howlgalka Ka Dhan ah Daacish...

Ciidamada Difaaca Puntland oo Wejiga Labaad ee Howlgalka Ka Dhan ah Daacish Dhameystiraya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Qandala– Ciidamada difaaca Puntland ayaa sii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish, iyagoo saakay mar kale howlgallo ballaaran ka billaabay jiidda Dhasaan ee degmada Qandala, gobolka Bari. Ciidamadu waxay xilligan wadaan wejiga labaad ee howlgalka, iyagoo ku ruqaansaday dhawr jiho, si ay u sifeeyaan deegaanada ay weli ku dhuumaalaysanayaan dagaalyahanada Daacish. Wararka laga helayo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qandala– Ciidamada difaaca Puntland ayaa sii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish, iyagoo saakay mar kale howlgallo ballaaran ka billaabay jiidda Dhasaan ee degmada Qandala, gobolka Bari.

Ciidamadu waxay xilligan wadaan wejiga labaad ee howlgalka, iyagoo ku ruqaansaday dhawr jiho, si ay u sifeeyaan deegaanada ay weli ku dhuumaalaysanayaan dagaalyahanada Daacish. Wararka laga helayo goobaha dagaalka ayaa sheegaya in ciidamadu ay markii ugu horreysay galeen dhul ka dabacsan buurihii ay horey uga dagaallamayeen, taasoo sahleysa dhaqdhaqaaqa iyo istiraatiijiyadda weerarka.

- Advertisement -

Sida ay ilo wareedyo rasmi ah sheegayaan, howlgalka maanta waxaa lagu bartilmaameedsaday deegaanada Af-cad, Xankookib iyo Dhasaan, kuwaasoo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa Daacish ee gobolka. Wararku waxay sidoo kale xaqiijinayaan in ciidamadu durba gaareen qaar ka mid ah goobahaas, iyadoo aysan weli la kulmin wax iska caabin ah.

Dagaalyahanada Daacish ayaa la sheegay inay faarujiyeen deegaanadaas saacado kahor inta aysan ciidamadu soo gaarin, taasoo muujinaysa in culeyska ay saareen ciidamada difaaca Puntland uu sababay firxad ballaaran oo ka dhex jira kooxda.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in saacadaha soo socda ay dhammeystiri doonaan hawlgalka, islamarkaana ay bulshada la wadaagi doonaan faahfaahinta guulaha la gaaray.

- Advertisement -

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan gelinayay sidii gebi ahaanba loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada, gaar ahaan Daacish oo isku dayaya inay saldhigyo ka sameystaan buuraha ku yaalla gobolka Bari.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts