HomeWararCiidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Saldhiggii Curaar ee Daacish

Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Saldhiggii Curaar ee Daacish

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta ku guuleystay in ay la wareegaan saldhigga Curaar, oo ahaa mid kamid ah difaacyadii ugu adkaa ee kooxda Daacish ee gobolka. Hawlgal qorsheysan oo ay saaka fuliyeen ciidamada Puntland ayaa lagu qaaday fariisimihii Daacish ee deegaankaasi, iyada oo lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo saldhigga muhiimka ah ee Curaar. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta ku guuleystay in ay la wareegaan saldhigga Curaar, oo ahaa mid kamid ah difaacyadii ugu adkaa ee kooxda Daacish ee gobolka.

Hawlgal qorsheysan oo ay saaka fuliyeen ciidamada Puntland ayaa lagu qaaday fariisimihii Daacish ee deegaankaasi, iyada oo lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo saldhigga muhiimka ah ee Curaar.

- Advertisement -

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, saldhiggan ayaa ka mid ahaa xarumaha ugu adag ee ay kooxdaasi ku lahayd gobolka, gaar ahaan togga Jeceel oo ay ku xoogganaayeen dagaalamayaashu.

Warar hordhac ah oo laga helayo hawlgalkii saaka ayaa tilmaamaya in ciidamada Puntland ay gebi ahaanba la wareegeen difaacyadii Curaar, halkaas oo ay Daacish horay uga dhisatay saddex difaac oo muhiim u ahaa.

Ciidamada ayaa weli wada baaritaanno amni, waxaana la sheegay in goobta laga helay mootooyin iyo gaadiid burburay oo la rumeysan yahay in ay waxyeello kasoo gaartay duqeymo dhawaanahan lala beegsaday kooxda Daacish.

- Advertisement -

Qabashada saldhigga Curaar ayaa loo arkaa mid xoojinaysa dagaalka Puntland ay kula jirto Daacish, iyadoo la sheegay in ciidamada ay qabsadeen degaanno hor leh, iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah sida Mareykanka.

Waxaa la filayaa in howlgalka lagu beegsanayo Daacish uu sii socon doono maalmaha soo socda, iyadoo saraakiishu ay ballan qaadeen in la burburin doono goobaha ay weli ku harsan yihiin dagaalamayaasha kooxdaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts