HomeWararKalfadhiga 6-aad Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Furmay

Kalfadhiga 6-aad Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Furmay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Muqdisho – Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho. Furitaanka kalfadhigan ayaa waxaa guddoomiyay guddoonka labada Aqal, iyadoo sidoo kale uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Qaranka ayaa jeediyay Khudbaddiisa Dastuuriga ah, taasoo uu uga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo jihada ay dowladdu hiigsanayso. Khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa inay diiradda saarto arrimo dhowr ah, oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod, amniga qaranka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimaha diblomaasiyadda ee xilligan taagan.

- Advertisement -

Guddoonka labada Aqal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka kalfadhiga, iyagoo xusay muhiimadda uu leeyahay marxaladdan, xilli Baarlamaanku uu wajahayao howlo sharci-dejin ah oo saameyn weyn ku leh mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay yeeshaan dooddo iyo falanqeyn ku saabsan ajendayaasha horyaalla, iyadoo mudnaanta la siin doono arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Kalfadhiga 6-aad ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajaheyso marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada iyo hirgelinta hannaanka doorasho ee qof iyo cod.

- Advertisement -

 

 

Latest stories