HomeWararSoomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlaya Dhalinyarada Lagu Xukumay Dil Toogasho...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlaya Dhalinyarada Lagu Xukumay Dil Toogasho ah

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Muqdisho – Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo qaarkood lagu xukumay dil toogasho iyo daldalaad.

Qoraal ay soo saartay wasaaraddu ayay ku sheegtay in ay socdaan wadahadallo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga, si xal looga gaaro arrinta dhalinyarada xukunka adag lagu riday. Wasaaraddu waxay xustay in dadaallo xooggan lagu bixinayo sidii dhalinyaradaas looga badbaadin lahaa fulinta xukunnada.

- Advertisement -

Sidoo kale, wasaaraddu waxay caddeysay in dadaallada socda lagu saleynayo heshiisyo hore oo ka dhaxeeya dowladaha Carabta, isla markaana si toos ah ay arrintan ugala hadli doonto dhigeeda Sacuudiga.

Dhanka kale, Muqdisho waxaa dhawaan ka dhacay dibadbaxyo ay dhigeen ehelada dhalinyarada xukunka lagu riday, kuwaas oo dalbanayay in dowladda Soomaaliya ay si degdeg ah uga shaqeyso badbaadinta wiilashooda.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa xustay inay si dhow ula socoto xaaladda, ayna ka go’an tahay in xal waara laga gaaro arrinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee la xukumay.

- Advertisement -

 

Latest stories