HomeWararWeeraro ay qaadeen xoogagga RSF ee Sudan oo la xaqiijiyay in lagu...

Weeraro ay qaadeen xoogagga RSF ee Sudan oo la xaqiijiyay in lagu dilay boqolaal qof oo rayid ah

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Weeraro ay qaadeen xoogagga RSF ee Sudan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay boqolaal qof oo rayid ah oo ay ku jiraan caruur yaryar gobolka Naylka Cad, sida ay sheegeen saraakiil Sudan ah iyo kooxaha xuquuqul insaanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in kooxaha hubaysan ay ku bartilmaansadeen dad rayid ah dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay tuulooyin ku yaala deegaanka Al-Gitaina, ka dib markii ay ka naxeen jabkii ba’anaa ee ay kala kulmeen ciidamada Sudan.

- Advertisement -

Bayaanka ayaa lagu sheegay in tirada dhimashadu ay marayso 433, halka guddiga horudhaca ah ee ururka dhaqaatiirta Suudaan ay tiradaas ku sheegeen 300.

koox u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa bayaan ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay, in in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur, lagu dilay weerarrada RSF boqolaal kalena lagu dhaawacay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Weerarada oo ay ka mid ahayeen dil, afduub, dhac, iyo toogasho kuwa isku dayayay inay baxsadaan ayaa lagu tilmaamay kuwo argagax lahaa.

- Advertisement -

Wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta, Khaalid Cali Caleesir ayaa bartiisa Facebook-ga ku sheegay, in weerarradii ugu dambeeyay ee RSF ay ka fuliyeen tuulooyinka Al-Kadaris iyo Al-Khalwat ee gobolka Niilka Cad ay yihiin, kuwii ugu dambeeyay ee gacan ka hadal qorsheysan oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee aan isdifaaci karin

Latest stories