HomeWararMW Xasan Sheekh: “Puntland Dagaalka ay kula jirto Daacish Waa Shaqo Amaan...

MW Xasan Sheekh: “Puntland Dagaalka ay kula jirto Daacish Waa Shaqo Amaan Mudan”

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, isagoo si weyn u bogaadiyay maamulka iyo shacabka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Puntland dagaalka adag ee ay kula jirto Daacish, isagoo sheegay in tallaabada ay qaadeen ay mudan tahay bogaadin iyo garab istaag.

- Advertisement -

“Puntland iyo dadkeeda dagaalka ay kula jiraan Daacish waa shaqo ammaan mudan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka dowladda federaalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay doorkeeda ka qaadaneyso sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada.

Dhanka kale, wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay siyaasiyiinta mucaaradka ah, isagoo sheegay in halkii ay dowladda talooyin siin lahaayeen, ay ka door bideen inay ceebeyaan dowladda.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda federaalka ay sii xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si loo sugo amniga dalka loona xaqiijiyo nabad waarta.

 

Latest stories