HomeWararSoomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Caalamiga ah ee Amniga ee Munich

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Caalamiga ah ee Amniga ee Munich

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Amniga ee Munich 2025. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka ka jira. Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay horumarka ay Soomaaliya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Amniga ee Munich 2025.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira amniga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo xaaladaha siyaasadeed ee caalamka ka jira.

- Advertisement -

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, isagoo si gaar ah u xusay dadaallada dowladda ee la dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS.

Waxa uu caddeeyey in howlgallada ka socda dalka ay guulo la taaban karo ka gaareen xoreynta deegaanada ay horey ugu sugnaayeen kooxahaas, taas oo keentay dib u soo celinta xasilloonida iyo maamul-wanaagga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale la wadaaggay madaxda iyo khubarrada caalamiga ah in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka waxaa koogu yeero argagixisada iyo horumarinta dib-u-dhiska hay’adaha amniga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in beesha caalamku gacan ka geysato taageerada Soomaaliya si looga adkaado Daacish Iyo AS loona xaqiijiyo horumar waara.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts