HomeWarar9 qof oo Mareykanka ugu dhintay duufaannada Xilliga jiilaalka

9 qof oo Mareykanka ugu dhintay duufaannada Xilliga jiilaalka

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ugu yaraan sagaal qof oo siddeed ka mid ahi ku sugnaayeen gobolka Kentucky, ayaa u dhintay qaboowga daran ee xilliga jiilaalka iyo daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobollo dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka. Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa Axaddii sheegay, in boqollaal qof laga soo badbaadiyay meelaha ay daadadku ku dhufteen. Wuxuu […]

- Advertisement -

Ugu yaraan sagaal qof oo siddeed ka mid ahi ku sugnaayeen gobolka Kentucky, ayaa u dhintay qaboowga daran ee xilliga jiilaalka iyo daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobollo dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka.

Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa Axaddii sheegay, in boqollaal qof laga soo badbaadiyay meelaha ay daadadku ku dhufteen. Wuxuu sheegay in dadka dhintay ay ku jireen hooyo iyo ilmo yar oo 7 jir ah oo ay dhashay, kuwaas oo baabuurki ay la socdeen ay liqdeen biyo jooggoodu uu sarreeyay.

- Advertisement -

Beshear wuxuu sheegay in dabeylo xoog leh korontadi ka jareen ilaa 39,000 oo guri, isla markaana ka digay in dabeyluhu ay sii socon doonaan meelaha qaar.

Meelaha kale ee ay dabeylaha iyo duufaannada jiilaalka saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah gobollada Tennessee, Georgia, New England iyo New York.

Qabow iyo baraf xoog leh ayaa la saadaalinayaa in ay ka dhacaan New England, halka wali uu baraf badani daadsan yahay gobollo ay ka mid yihiin Nebraska, Iowa, Wisconsin, Michigan iyo kuwo kale.

Latest stories