HomeWararCiidanka Puntland oo duqeyn Cirka ah ka fuliyeen deegaanka Sheebaab ee Buuraha...

Ciidanka Puntland oo duqeyn Cirka ah ka fuliyeen deegaanka Sheebaab ee Buuraha Calmiskaad

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Sheebaab, Calmiskaad – Taliska Ciidanka Difaaca Puntland ayaa shaaciyay inay duqeyn cirka ah ka fuliyeen deegaanka Sheebaab ee Buuraha Calmiskaad, taasoo lagu bartilmaameedsaday xarun muhiim ah oo ay kooxda Daacish ku lahayd halkaas.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland, duqeynta ayaa la fuliyay xalay, waxaana lagu burburiyay warshaddii qaraxyada iyo biraha gawaarida u sameyn jirtay kooxda Daacish.

- Advertisement -

“Duqeynta waxa ay ahayd mid qorshaysan oo lagu gubay warshadii qaraxyada, waxaana halkaasi lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Daacish,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska.

Wararku waxay intaas ku darayaan in duqeynta lala eegtay xarun muhiim ah oo kooxda Daacish u ahayd goob ay ku farsameyso walxaha qarxa iyo agabka gaadiidka dagaalka. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo dhinaca amniga ah,

weerarkan ayaa ka mid ah duqeymihii ugu xooganaa ee Puntland ay la beegsato Daacish tan iyo markii ay billowday dagaalka ka dhanka ah kooxda.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlayay qaraxyo waaweyn iyo gubasho ka dhalatay duqeynta, taasoo muujinaysa in bartilmaameedku ahaa mid muhiim ah. Ilo madax-bannaan wali ma xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee kooxda soo gaaray, hase yeeshee taliska difaaca Puntland ayaa ku adkaystay in weerarku uu ahaa mid guul ah.

Saraakiisha Puntland ma shaacin cidda si rasmi ah u fulisay duqeyntan, hase yeeshee Puntland horey ayey u muujisay inay la shaqeynayso saaxiibada caalamiga ah si ay uga hortagto khataraha argagixisada.

Maamulka Puntland ayaa bilooyinkii u dambeeyay qaadayay dagaallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish, kuwaasoo ay ku beegsanayaan xarumaha iyo hogaanka sare ee kooxda.

Duqeyntan cusub ayaa imaneysa xilli maamulka Puntland uu ballanqaaday inuu sii wadayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish, si loo xasiliyo amniga gobolka, loona ciribtiro khatarta Daacish ee ka jirta buuraha Calmiskaad.

 

Latest stories