HomeWararNin iyo naag isqaba oo iska duubay 124 Muuqaal oo galmo ah...

Nin iyo naag isqaba oo iska duubay 124 Muuqaal oo galmo ah iyo Xukun lagu riday

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Waxaa maalintii shalay ahayd la soo gabagabeeyay kiiska lammaane ku nool magaalada Muqdisho, kuwaas oo si ula kac ah u duubay in ka badan 124 muuqaal oo galmo ah, iyagoo ujeedkoodu ahaa inay dhaqaale ka helaan.

Maxkamadda Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa go’aamisay in ninka iyo naagta la xukumay lagu rido laba sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay danbiyo la xiriira faafinta dhaqan xumo iyo khiyaanada ehelka.

Maxkamadda ayaa go’aansatay in la qariyo xogta lammaanahan, kuwaas oo sida la sheegay deganaa degmada Waaberi ee Muqdisho. Sida ay baaristu muujiyeen, labadan qof oo is qaba waxay si ula kac ah u duubi jireen muuqaallada galmada iyagoo isticmaalaya moobilada gacanta, kaddibna waxay isku dayayeen inay lacag ka helaan qoyska gabadha, kuwaas oo ku nool dalal dibadda ah.

Warbixinaha la helay ayaa sheegaya in ninka iyo xaaskiisa ay gabadha iska dhigayeen qof la khiyaamaynayo oo la adeegsanayo ama la rikaataynayo, si qoyska ay u dareemaan cabsi loogana qaato lacago badan.

Maxkamaddu waxay caddeysay in ay si ikhtiyaari ah falkaan u sameynayeen, isla markaana aysan jirin cid qasabtay.

Xukunka lammaanahan ayaa ka dhacay Maxkamadda Degmada Waaberi, halkaas oo ay joogeen xeer-ilaaliyayaal u badan dumar, kuwaas oo si dhow ula socday kiiskan uguna tilmaamay mid layaab ku noqday bulshada Soomaaliyeed.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga falcelisay dhacdadan, maadaama aysan horay uga baran in lamaane is qaba ay si bareer ah u duubaan muuqaallo anshax-xumo ah, iyagoo ka dhigaya il-dhaqaale

Sanadihii u dambeeyay, baraha bulshada waxay noqdeen meel ay si weyn ugu faafayaan muuqaallo anshax-xumo ah, kuwaas oo qaarkood lagu duubay si qarsoodi ah. dhacdada lammaanahan ayaa si weyn uga duwan kiisaskii hore, maadaama ay si ula kac ah u sameeyeen falka, iyagoo aanan ahayn dad la khiyaaneeyay ama si qarsoodi ah loo duubay.

Xeer-ilaaliyeyaasha maxkamadda ayaa sheegay in kiisaskan oo kale ay noqon doonaan kuwo aan loo dulqaadan doonin, iyagoo cadeeyay in ay jiraan sharciyo lagu maxkamadeyn karo dadka faafiya muuqaallada anshax-xumada ah.

Si kastaba ha ahaatee, falka ay lammaanahani sameeyeen wuxuu noqday mid la yaab ku abuuray shacabka, waxaana loo arkaa dhacdo ugub ah oo xadka ka baxday. Maamulka ayaa tilmaamay in si gaar ah loo dardar gelin doono la dagaallanka falalka la midka ah, si looga hortago in dhaqanka noocaan ah uu ku faafo bulshada dhexdeeda.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories