HomeWararSaraakiil ka kala ka tirsan CXD iyo AUSSOM oo ku kulmay Buulobarde

Saraakiil ka kala ka tirsan CXD iyo AUSSOM oo ku kulmay Buulobarde

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, ayaa xerada Dab iyo Dhagax ee qeybta 27-aad oo ku taalla magaalada Buuloburde kulan kula qaatay Taliyaha qeybta 4-aad ee howlgalka xasilinta iyo tageerada midowga Afrika (AUSSOM Col. Saciid Waaberi oo ay weheliyaan Taliyaha Guutada 11-aad ee Ciidamada Jabuuti Col. Maxamed Axmed Yuusuf iyo saraakiil […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, ayaa xerada Dab iyo Dhagax ee qeybta 27-aad oo ku taalla magaalada Buuloburde kulan kula qaatay Taliyaha qeybta 4-aad ee howlgalka xasilinta iyo tageerada midowga Afrika (AUSSOM Col. Saciid Waaberi oo ay weheliyaan Taliyaha Guutada 11-aad ee Ciidamada Jabuuti Col. Maxamed Axmed Yuusuf iyo saraakiil kale oo booqasho ku tegay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Qeybta 27-aad Col. Cabdullahi Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM .

- Advertisement -

Arrimaha looga hadlay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo sii laba jibaari lahaa howlgallada ka dhan ah AS ee ka socda gobolka Hiiraan iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AUSSOM, Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay deeganno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dagaaladii dhacay khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Latest stories