HomeWararFaahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan doon lagu afduubtay xeebaha Puntland

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan doon lagu afduubtay xeebaha Puntland

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka laga helayo xeebaha gobolka Nugaal, gaar ahaan degmada Eyl, ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay afduubteen doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen. Sida ay ilo-wareedyo kala duwan xaqiijinayaan, doontan ayaa si sharci ah uga kalluumeysaneysay biyaha Puntland, balse waxay noqotay bartilmaameed ay weerareen kooxo burcad-badeed ah. Sida la xaqiijiyey, dableyda afduubka geysatay ayaa […]

- Advertisement -

Wararka laga helayo xeebaha gobolka Nugaal, gaar ahaan degmada Eyl, ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay afduubteen doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen.

Sida ay ilo-wareedyo kala duwan xaqiijinayaan, doontan ayaa si sharci ah uga kalluumeysaneysay biyaha Puntland, balse waxay noqotay bartilmaameed ay weerareen kooxo burcad-badeed ah.

- Advertisement -

Sida la xaqiijiyey, dableyda afduubka geysatay ayaa kasoo jeeda degmada Eyl, waxaana la aaminsan yahay inay doonayaan madaxfurasho, sida dhacdooyin hore oo lamid ahba ay muujinayeen.

Laamaha amniga Puntland wali si rasmi ah ugama hadlin dhacdadan, hase yeeshee saraakiil ammaanka ka tirsan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey afduubka.

Ilo-wareedyadu ma shaacin tirada shaqaalaha saarnaa doonta la qafaashay, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay milkiilayaasha doonta ama dowladda Yemen.

- Advertisement -

Afduubkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khatarta burcad-badeednimada, inkastoo sanadihii u dambeeyay ay yaraadeen weerarrada noocaan ah.

Dhammaadkii bishii November ee sanadkii 2024, dabley hubaysan ayaa xeebaha Puntland ku afduubtay markab kalluumeysi oo laga lahaa dalka Shiinaha, kaas oo markii dambe la sii daayay ka dib markii la bixiyey lacag madaxfurasho ah.

Waxaa muuqata in weerarrada noocaan ah ay mar kale soo laabanayaan, taasoo walaac hor leh ku abuureysa shirkadaha kalluumeysiga iyo laamaha amniga ee Puntland.

Waxaa la filayaa in maamullada Puntland iyo hay’adaha ammaanku ay ka hadlaan dhacdadan, si loo caddeeyo xaaladda dhabta ah ee doonta la afduubtay iyo waxa laga fili karo burcad-badeedda gacanta ku haysa.

 

Latest stories