HomeWararFaahfaahin: Dagaal Xalay Ka Dhacay Gaalkacyo iyo Askari ku dhintay

Faahfaahin: Dagaal Xalay Ka Dhacay Gaalkacyo iyo Askari ku dhintay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay uu dagaal culus ka dhacay, kaas oo dhexmaray koox hubeysan iyo ciidanka isku dhafka ah ee ka kala socda maamullada Puntland iyo Galmudug. Sida ay ilo-wareedyo kala duwan xaqiijinayaan, iska horimaadka ayaa ka dhacay gudaha magaalada, waxaana labada dhinac dhexmaray israsaasayn xooggan […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay uu dagaal culus ka dhacay, kaas oo dhexmaray koox hubeysan iyo ciidanka isku dhafka ah ee ka kala socda maamullada Puntland iyo Galmudug.

Sida ay ilo-wareedyo kala duwan xaqiijinayaan, iska horimaadka ayaa ka dhacay gudaha magaalada, waxaana labada dhinac dhexmaray israsaasayn xooggan oo socotay saacado badan. Dhawaqa rasaasta ayaa si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada, taasoo cabsi iyo argagax ku abuurtay dadka deegaanka.

- Advertisement -

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in hal askari uu ku dhintay dagaalka, halka tiro kale la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhaawacyada. Askari ka tirsan ciidanka isku dhafka ah, oo lagu magacaabo Cabaase, marxuumku ka tirsanaa ciidanka nabadda ee magaalada ka howlgalaya.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Puntland iyo Galmudug, mana cadda sababta rasmiga ah ee dhalisay iska horimaadka xalay dhacay. Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe la daalaa-dhaceysay dhacdooyin ammaan-darro oo ay sababaan kooxo hubeysan.

Dhawaan, dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday xabsiga magaalada, taasoo muujisay heerka ay gaarsiisan tahay khatarta kooxaha hubaysan ee gudaha Gaalkacyo ka howlgala. Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa horey u ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan dableyda hubka ku dhex sida magaalada, balse dhacdooyinkan sii kordhaya ayaa shaki gelinaya awoodda ay u leeyihiin sugidda amniga.

- Advertisement -

Waxaa la filayaa in mas’uuliyiinta amniga ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalkan iyo tallaabooyinka ay qaadi doonaan si loo xoojiyo nabadda magaalada.

 

 

Latest stories