HomeWararDagaallo Xooggan oo ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Dagaallo Xooggan oo ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dagaallo is xigxigay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu maalmahan ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab (AS). Weeraradan ayaa lagu beegsanayay xarumaha iyo goobaha ay AS kaga sugnaayeen gobolka, waxaana hoggaaminaya mas’uuliyiinta maamulka Hiiraan iyo saraakiisha ciidanka dowladda. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya xoogagga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaallo is xigxigay ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu maalmahan ka socday guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab (AS). Weeraradan ayaa lagu beegsanayay xarumaha iyo goobaha ay AS kaga sugnaayeen gobolka, waxaana hoggaaminaya mas’uuliyiinta maamulka Hiiraan iyo saraakiisha ciidanka dowladda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya xoogagga deegaanka ee Macawiisleyda ayaa weerarro qorsheysan ka fuliyay deegaanno dhowr ah, kuwaas oo lagu tilmaamay guulo la taaban karo. Guuddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka ee Aaga Jiciboow, ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka sidoo kale xubno kale nolol lagu qabtay.

- Advertisement -

Waxa uu xusay in ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay guulo waaweyn ka gaareen howlgallada socda, isagoo u mahadceliyay dadaalkooda. “Ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo kuwa qalabka sida waxaan uga mahadcelinayaa guusha taariikhiga ah ee maanta ay ka gaareen dagaalka,” ayuu yiri Muuse Salaad Wehliye.

Sida wararku sheegayaan, dagaallo culus ayaa dhacay xalay ilaa saaka, iyada oo la isku adeegsaday hub culus. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay isu geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan weli la xaqiijin tirada rasmiga ah ee waxyeelladu gaartay.

Dagaallada ka socda Hiiraan ayaa ah kuwo daba socda howlgal ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ka waddo deegaanno badan oo ka tirsan gobollada dhexe, iyada oo ujeeddadu tahay in Al-Shabaab laga xoreeyo goobaha ay weli gacanta ku hayaan.

- Advertisement -

Waxaa la filayaa in howlgalladu sii socdaan maalmaha soo socda, iyada oo ciidanku ay qorsheynayaan in ay la wareegaan deegaanno hor leh oo muhiim ah.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts