HomeWararWafdi ka socda Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi ka socda Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar oo Muqdisho soo gaaray

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar, iyagoo ka wada hadlay sidii ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacyada tababarada,isdhaafsiga khibradaha iyo hannaanka casriyeynta garsoorka. Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, guddoomiyaha Maxkamadda […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar, iyagoo ka wada hadlay sidii ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacyada tababarada,isdhaafsiga khibradaha iyo hannaanka casriyeynta garsoorka.

Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hey’adaha Garsoorka dalka.

- Advertisement -

Guddoomiye Baashe, ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Masar uu ka dhaxeeyo xidhiidh qotodheer iyo iskaashi soo jireena ah, sidaa awgeed ay ka go’antahay sidii ay iskaga-kaashan lahaayeen horumarinta iyo nidaamka danabaysan ee garsoorka labada dhinac, iyadoo si joogto ah isku dhaafsan doonno tababarada iyo khibradaha.

Dhankooda Saraakiisha Hay’adaha Garsoorka Masar ka socday, ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta qiimaha badan ee loo sameeyey intii ay dalka ku sugnaayeen, iyagoo qiray in hay’adaha garsoorka Soomaaliya ay sameeyeen horumar la taaban karo, islamarkaana ay dhankooda diyaar u yihiin  in si dhaw laba dhinac uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo casriyeynta caddaaladda iyo garsoorka labada dal.

Latest stories