HomeWararMW Xasan Sheekh oo Kulan Dhiirri-Gelin ah La Qaatay Hal-Abuure Asad Xaajiyow

MW Xasan Sheekh oo Kulan Dhiirri-Gelin ah La Qaatay Hal-Abuure Asad Xaajiyow

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow ayaa ku dhiirri geliyey go’aanka geesinimada leh ee uu ku wajahay dhibaatada ay u geysteen AS.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Asad Xaajiyow uu tusaale u yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adkaysiga iyo geesinimada kaga gudbay dhibaatada iyo waxyeellada ay argagixisada u geysteen dadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

“Asad kuma niyad jabin weerarkii naxariis darrada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab ay dhowr iyo toban sano ka hor isku dayeen in ay ku dilaan, kaas oo keenay in uu naafo noqdo. Inkastoo uu la kulmay dhaawac halis ah oo naafo ka dhigay haddana maanta waxa uu dalkiisa ku soo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aaddan horomurka dalkiisa iyo dadkiisa”.

Munaasabadda kaddib, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa guddoonsiiyey Asad Xaajiyow Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed, taas oo ah abaalmarin la siinayo muwaadiniinta muujiyey geesinimo, dulqaad, iyo adeeg bulsho oo qiimo leh.

Latest stories