HomeWararDowladaha Carabta oo diiday dalabki Trump ee Gaza

Dowladaha Carabta oo diiday dalabki Trump ee Gaza

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dowladaha ugu awoodda badan dalalka Carabta ayaa Sabtidi shalay gaashaanka u daruuray soo jeedinti madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ee aheyd in Falastiiniyiinta Gaza loo raro dalalka Masar iyo Urdun. Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Masar, Urdun, Sacuud Carabiya, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, Maamulka Falastiiniyiinta iyo Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladaha ugu awoodda badan dalalka Carabta ayaa Sabtidi shalay gaashaanka u daruuray soo jeedinti madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ee aheyd in Falastiiniyiinta Gaza loo raro dalalka Masar iyo Urdun.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Masar, Urdun, Sacuud Carabiya, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, Maamulka Falastiiniyiinta iyo Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay, in Carabtu diideen qorshe kasta oo Falastiiniyiinta looga rarayo dhulkooda Gaza iyo Daanta Galbeed.

- Advertisement -

Trump ayaa bishi hore sheegay in uu ku boorrinayo hogaamiyaasha Masar iyo Urdun qaadashada shacabka reer Gaza, si buu yiri loo nadiifiyo burburka baaxadda leh ee soo gaaray Gaza.

Wuxuu kaloo sheegay in qorshaha raritaanka dadka Gaza uu noqon karo mid ku meel gaar ah ama mid waqti dheer. Hadalka madaxweyne Trump ayaa waafaqaya soo jeedinti hogaamiyaasha Isra’il ee billowga dagaalka Gaza, kuwaas oo ku baaqay in shacabka Gaza loo raro meel kale.

Dowladaha Carabta ayaa ku sheegay qorshayaasha nuucaasi oo kale ah in ay khatar gelinayaan xasilloonida mandiqadda, sii hurinta colaadaha iyo wiiqidda nabadda iyo wada noolaasha dadka gobolka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts