HomeWararTaliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo tegay Ceelasha Biyaha farina u diray Shacabka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo tegay Ceelasha Biyaha farina u diray Shacabka

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Saraakiisha ugu sarreysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa booqasho iyo kormeer ku tegay deegaannada duleedka Muqdisho, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha amni ee ka jira iyo hawlgalada socda ee looga hortagayo falalka amni-darro. Kormeerkaasi waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Osman Abdullahi. Taliyaha oo ka socdaalay magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah u […]

- Advertisement -

Saraakiisha ugu sarreysa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa booqasho iyo kormeer ku tegay deegaannada duleedka Muqdisho, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha amni ee ka jira iyo hawlgalada socda ee looga hortagayo falalka amni-darro.

Kormeerkaasi waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Osman Abdullahi.

- Advertisement -

Taliyaha oo ka socdaalay magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah u booqday degaanka Ceelasha-Biyaha, kaas oo ku yaalla duleedka caasimadda. Waxa uu kormeer ku tegay Saldhigga Booliska ee deegaankaas iyo xarumaha ganacsi ee muhiimka u ah bulshada deegaanka.

Kormeerkan ayaa ahaa mid si dhow uga tarjumaaya rabitaanka iyo diyaarinta Ciidanka Booliska ee ku aaddan sugidda amniga iyo dardar-gelinta howlgalada amni ee gobolka.

Intii lagu gudajiray booqashada saldhigga iyo xarumaha ganacsi, Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha amaanka ee shaqadooda si habsami leh u gudanaya. Saraakiishan ayaa warbixin ballaaran ka siiyay xaaladda guud ee amniga, iyagoo faahfaahiyay qorshayaasha iyo hawlgallada ka socda si loo xoojiyo xasiloonida deegaanka iyo ka hortagga falalka amni-darro ee ka dhici kara.

- Advertisement -

Kormeerka kadib, Taliyaha iyo saraakiishiisa ayaa booqday qaar ka mid ah ganacsiyada suuqa ee ku yaalla Ceelasha-Biyaha. Ganacsatadu waxay ka faallooden in amniga deegaanka uu aad u wanaagsan yahay, taasoo ka dhigaysa inay si nabad ah u shaqeeyaan, xitaa habeenkii, iyagoo ka baqdin qabin falal amni-darro.

Taliyaha Sarreeye Guuto Asad Osman Abdullahi ayaa sidoo kale ku boorriyay ciidamada in ay sii wadaan kormeerka iyo la socodka xaaladda, si loogu guuleysto hawlgalka joogtada ah ee lagula dagaalamayo AS.

Latest stories