HomeWarar Booliska Puntland oo beeniyay dilal loo gaystay dad Itoobiyaanka iyo digniin Cusub...

 Booliska Puntland oo beeniyay dilal loo gaystay dad Itoobiyaanka iyo digniin Cusub Soo Saaray

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Ciidanka Booliska Puntland ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dad Itoobiyaan ah lagu dilay gudaha Puntland, iyagoo xusay in aysan jirin wax dil ah oo dhacay. Afhayeenka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay jirtay dhacdo yar oo muhaajiriin lagu tuuray dhagxaan, balse eedeysanayaashii falkaas ka dambeeyay la qabtay, sharcigana la horgeyn doono. Boolisku […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Puntland ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dad Itoobiyaan ah lagu dilay gudaha Puntland, iyagoo xusay in aysan jirin wax dil ah oo dhacay.

Afhayeenka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay jirtay dhacdo yar oo muhaajiriin lagu tuuray dhagxaan, balse eedeysanayaashii falkaas ka dambeeyay la qabtay, sharcigana la horgeyn doono.

- Advertisement -

Boolisku wuxuu digniin culus u diray cid kasta oo isku dayda inay fowdo abuurto ama waxyeello u geysato dadka ku sugan Puntland, isagoo carrabka ku adkeeyay in qof kasta oo amniga wax u dhimaya la marsiin doono sharciga.

Sidoo kale, Puntland ayaa bilowday howlgallo ballaaran oo lagu baarayo dadka ajaanibta ah, gaar ahaan Itoobiyaanka, kaddib markii falal amni darro ah ay kusoo bateen deegaanada maamulkaas hoos yimaada.

Booliska ayaa mar kale ku celiyay in Puntland ka go’an tahay sugidda badqabka dhammaan dadka ku nool deegaanadeeda, iyadoo aan cidna lagu takoorayn.

Latest stories