HomeWararBooliska Soomaaliya oo toogtay Labo Nin oo dili Rabay Nin Askari ah

Booliska Soomaaliya oo toogtay Labo Nin oo dili Rabay Nin Askari ah

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Farahaaga Waxaa Ku Jira Wax Aadan Ogayn

Dad badan ayaan waligood dareemin, balse faraha iyo suulasha dadka qaar waxaa ka baxa timo aad u yaryar oo khafiif ah. Maxay yihiin, maxaase sababa in dadka qaar ay yeeshaan kuwo badan?

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray Turkiga si loo xoojiyo iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Ankara, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil iyo mas'uuliyiin Turkish ah oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga difaaca,

Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Buurhakaba, Soomaaliya oo la wareegtay amniga

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa ka baxay magaalada Buurhakaba kadib ku dhawaad 12 sano, iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Laba xildhibaan oo u tartamaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay toogteen labo dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan ciidamo howlgal ku jiray. Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa soo bandhigay sawirrada labada nin oo hubeysan, kuwaas oo ay toogteen ciidamada ammaanka. Booliska ayaa sheegay in labada dagaalame ay damacsanaayeen inay dili rabeen ciidamo […]

- Advertisement -

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay toogteen labo dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan ciidamo howlgal ku jiray. Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa soo bandhigay sawirrada labada nin oo hubeysan, kuwaas oo ay toogteen ciidamada ammaanka.

Booliska ayaa sheegay in labada dagaalame ay damacsanaayeen inay dili rabeen ciidamo ku howlan hawlgallo amni, waxaana lagu toogtay degmada Dayniile, gaar ahaan Waaxda Ciise Cabdi ee magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Howlgalka ayaa sidoo kale sababay dhaawac soo gaaray laba askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska, kuwaas oo kamid ahaa ciidamadii ku guuleystay soo afjaridda weerarka.

Qoraalka Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in labadan dagaalame ay ku hubeysnaayeen bistoolado, waxaana lagu sheegay in ay yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo doonayay inay dilaan Ciidanka.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa saaka magaalada Muqdisho toogasho ku dilay laba nin oo bistoolado ku hubaysan, kana tirsan Al-Shabaab, oo doonayay inay dilaan ciidamo howlgal ku jiray,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

- Advertisement -

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinaya meydadka labada dagaalame oo ciidamada Booliska toogteen, kuwaas oo la sheegay inay isku dayeen in ay waxyeelo u geystaan ciidamo amniga sugaya.

Howlgalka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee ciidamada amniga ee Soomaaliya ay ku sugayaan amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Latest stories