HomeWararCiidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo qaaday howlgal culus oo ka...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo qaaday howlgal culus oo ka dhan ah AS

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday howlgal ballaaran oo qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, howlgalkaas oo laga fuliyey deegaanno ku yaalla jiinka wabiga Shabeelle ee galbeedka gobolka Hiiraan. Intii lagu guda jiray howlgalka, ayaa waxaa dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada isgarabsanaya iyo kooxaha Al-Shabaab. Sida ay […]

- Advertisement -

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday howlgal ballaaran oo qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, howlgalkaas oo laga fuliyey deegaanno ku yaalla jiinka wabiga Shabeelle ee galbeedka gobolka Hiiraan.

Intii lagu guda jiray howlgalka, ayaa waxaa dhacay dagaal kooban oo dhexmaray ciidamada isgarabsanaya iyo kooxaha Al-Shabaab. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaannadii lagu dagaalamay.

- Advertisement -

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in howlgalka uu guulo waaweyn laga gaaray, waxaana gacanta lagu dhigay hub iyo gaadiid dagaal oo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaannada sida buuxda loo qabsaday ayaa waxaa ka mid ah Beerayabaal, Qurbabooto, Cadow Gureey, iyo deegaanno kale oo muhiim ah.

Hoggaanka ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in howlgaladu ay sii socon doonaan, iyadoo diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ka dhan ah Al-Shabaab uu haatan ka socdo aaggaasi.

- Advertisement -

Waxay ku adkeysteen in dagaalka lagula jiro kooxdan uu sii xoogeysan doono si deegaannada looga xoreeyo.

 

 

Latest stories