HomeWararPuntland oo gacanta ku dhigtay Shabakado Qaraxyo ah Gudaha Magaalada Boosaaso

Puntland oo gacanta ku dhigtay Shabakado Qaraxyo ah Gudaha Magaalada Boosaaso

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Puntland ayaa maalmahan xoojisay dagaalka iyo hawlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish, iyadoo guulo waaweyn ka gaartay sidii ay u xakameyn lahayd amniga gobolka.

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa martigelisay hawlgallo ballaaran oo ay sameeyeen ciidanka amniga, kuwaas oo lagu xiray xubno ka tirsan shabakadda Daacish ee ka howlgelinaysay gudaha magaalada.

- Advertisement -

Ciidamada Amniga Puntland ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay shabakad argagixiso oo ay ka mid ahaayeen ilaa 8 xubnood, kuwaas oo lix ka mid ah yihiin ajaanib. Xubnahani ayaa xiriir la lahaa ninkii Yemeniga ahaa ee dhawaan lagu toogtay Boosaaso, kaas oo la sheegay inuu qorsheynayay falal argagixiso.

Waxaa la sheegay in baaritaan dheeri ah uu socdo kadib dilka ninkaas iyo xoojinta dadaallada lagu baadi goobayo xubnaha kale ee kooxda.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ilaa 100 qof oo kale ay gacanta ku jiraan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada ah.

- Advertisement -

Waxaa si weyn loogu ammaanyay shacabka Boosaaso iyo guud ahaan Puntland, kuwaas oo si weyn uga qayb qaatay sidii loo soo gudbin lahaa xogaha muhiimka ah ee ku saabsan argagixisada, taasoo fududeysay howlgalada lagu soo qabtay kooxahan.

Sidoo kale, Puntland ayaa guulo waaweyn ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo ciidanka ammaanku ay fuliyeen howlgallo culus oo gudaha magaalooyinka iyo buuralayda gobolka Bari.

Fariisimo muhiim ah oo kooxda Daacish ay ku lahaayeen buuralayda ayaa laga qabsaday, taas oo muujineysa in Puntland ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka hawlgala gobolka.

 

Latest stories