HomeWararSarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland oo Qarax Miino lala beegsaday

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland oo Qarax Miino lala beegsaday

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax miino lala beegsaday Taliye Fu’aad Xanaano, oo ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada difaaca Puntland. Taliyaha ayaa ku dhaawacmay qaraxa miinada oo ka dhacay deegaano ka tirsan buuraha Calmiskaad, sida ay xaqiijiyeen wararka nasoo gaaraya. Qaraxa ayaa dhacay kadib markii Taliye Fu’aad iyo ciidamo […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax miino lala beegsaday Taliye Fu’aad Xanaano, oo ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada difaaca Puntland. Taliyaha ayaa ku dhaawacmay qaraxa miinada oo ka dhacay deegaano ka tirsan buuraha Calmiskaad, sida ay xaqiijiyeen wararka nasoo gaaraya.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii Taliye Fu’aad iyo ciidamo uu hoggaaminayey ay howlgallo culus ka bilaabeen buuraha Calmiskaad, oo ah goob muhiim ah oo ay kooxda Daacish ku sugan tahay.

- Advertisement -

Intii ay ku guda jireen howlgallada, ayaa lala beegsaday qaraxa miino, kaasoo oo sababay dhaawaca Taliyaha, sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amniga Puntland.

Wararka kale ee aan helnay ayaa tilmaamaya in qaraxa sidoo kale uu dhaawacay hal askari oo la socday Taliyaha, waxaana xaaladda dhaawaca Taliye Fu’aad lagu tacaalayaa si degdeg ah.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa maalmahan si xooggan u xoojiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuralayda gobolka Bari.

- Advertisement -

Howlgalladani ayaa guulo waaweyn ka soo hoyay, iyadoo ciidamadu ay qabsadeen fariisimo muhiim ah oo horay u sugnaayeen Daacish.

Xaalada gobolka Bari ayaa weli kacsan, iyadoo Puntland ay sii wado dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Daacish ee gobolka.

Saraakiisha horey u hogaaminayay hawlgallada ciribtirka kooxda Daacish ayaa sheegay in muddo 24 saac ah ee ugu dambeysay, ciidamadu ay soo rideen ilaa lix drone oo ay kooxda Daacish isku dayday inay isticmaasho.

Drones-kaasi ayaa lagu soo warramayaa inay ahayd isku-day ah in Daacish ay u adeegsato weerar iyo basaasid dhinaca ciidamada Puntland.

 

Latest stories