HomeWararCiidanka Puntland oo soo riday Drones ay Daacish adeegsanayeen

Ciidanka Puntland oo soo riday Drones ay Daacish adeegsanayeen

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Kooxda Daacish ee ku dagaalamaya Buurlayda gobolka Bari ayaa la sheegay inay isticmaalayaan drones si ay ugu basaasaan ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka Puntland.

Saraakiisha horey u hogaaminayay hawlgallada ciribtirka kooxda Daacish ayaa sheegay in muddo 24 saac ah ee ugu dambeysay, ciidamadu ay soo rideen ilaa lix drone oo ay kooxda Daacish isku dayday inay isticmaasho.

- Advertisement -

Drones-kaasi ayaa lagu soo warramayaa inay ahayd isku-day ah in Daacish ay u adeegsato weerar iyo basaasid dhinaca ciidamada Puntland.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Hoggaanka Hawlgallada ka dhanka ah Daacish ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay si guul leh ugu joojiyeen isku-dayga kooxda Daacish, iyagoo soo ridday drones-ka si loo yareeyo saameynta ay kooxda argagixisadu ku yeelan karto hawlgallada socda.

Intaa waxaa sii dheer, saraakiisha waxay sidoo kale shaaceen in tan iyo bilowgii hawlgallada “Calmiskaad,” ciidamadu ay soo rideen in ka badan 50 drones yar-yar oo ay kooxda Daacish isku dayday inay ku qarxiso ciidamada ama ugu hortagto horumarka hawlgallada ciribtirka.

- Advertisement -

Dagaalka soconaya ciidamada Puntland ay sii wadaan dadaalka ay ku raadinayaan in si buuxda uga saaraan kooxda Daacish gobolka Bari.

Sidoo kale, saraakiisha Puntland ayaa sheegay in kooxaha Daacish ay isticmaalayaan  drones-ka iyo hubka aan la arki karin, si ay uga faa’iideystaan goobaha adag ee Buurlayda iyo dhulalka kaladuwan ee Puntland.

Tani waxay ka dhigeysaa hawlgalka Puntland mid aad u adag, iyadoo kooxda Daacish isku dayeyso in ay waxyeello u geyso ciidamada iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah, balse Ciidanka ammaanka Mamaulka Puntland ayaa awood u leh inay dhulka soo dhigaan Drones ka ay kooxdu wax ku basaasto.

 

Latest stories