HomeWarar𝐑W 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚“𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐞𝐲𝐧𝐚𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐲𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞”.

𝐑W 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚“𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐞𝐲𝐧𝐚𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐲𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞”.

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta arday dhammaysay jaamacadda UPeace, ayaa sheegay in Xukuumaddu awoodda saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isla markaana uu socdo qorshaha dhismaha guddiga sare ee waxbarashada dalka. “Waxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta arday dhammaysay jaamacadda UPeace, ayaa sheegay in Xukuumaddu awoodda saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isla markaana uu socdo qorshaha dhismaha guddiga sare ee waxbarashada dalka.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga go’an tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

- Advertisement -

Raiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in aqoonta iyo waxbarashadu laf-dhabar u tahay horumarinta Qaranka iyo tayeynta hey’addaha dowladda, si taas looga miro-dhaliyana loo baahanyahay in kor loo qaado aqoonyahannada dalka, iyada oo xoogga la saarayo sidii dadka waxbartay u hoggaamin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda dhammaysatay waxbarashada daraasaadka sare dadaalka dheer ay ku bixiyeen aqoonta, isaga oo xusay inay lagama maarmaan tahay in ay uga faa’iideeyaan aqoontaas walaalahooda Soomaaliyeed, si loo gaaro horumar, nabad iyo xasilooni bulsho.

Maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ee loo asteeyey Waxbarashada Adduunka, taasoo na xusuusinaysaa in waxbarashadu tahay xuquuq aasaasi ah oo ay tahay in dhammaan dadka dunida ay helaan, gaar ahaan dhallinyarada, si ay u noqdaan kuwo doorkooda ka qaata nabadda, horumarka, iyo midnimada.

Latest stories