HomeWararSoomaaliya Iyo Masar oo Kala Saxiixday Heshiisyo Muhiim ah

Soomaaliya Iyo Masar oo Kala Saxiixday Heshiisyo Muhiim ah

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira.
Kulankan Labada Madaxweyne ayaa la isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.
Dhanka waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.
Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay’adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga. Masar ayaa muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo baasaboorka diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumasiyadeed, waxayna Labada Dawladood ka wadahadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka.
Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu hormarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen Guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.

Latest stories