HomeWararWafdi ka socda dowladda Finland oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi ka socda dowladda Finland oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Wafdi ka socda dowladda Finland ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kulan kula yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wafdiga waxaa hoggaaminaysay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Finland, Ms. Mari Rantanen, oo booqasho rasmi ah ku timid Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah ugu qaabilay wafdiga Finland. Kulanka dhex maray labada wasiir ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga.

- Advertisement -

Intii uu socday kulanka, ayaa labada dhinac ka wada hadleen qorsheyaal iyo tallaabooyin lagu horumarinayo nabadgelyada, maareynta socdaalka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa taageerada farsamo ee dowladda Finland ay siiso Soomaaliya. Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Finland taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo iskaashi dheeri ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo la dagaallanka argagixisada.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Finland, Ms. Mari Rantanen, ayaa caddeysay sida dowladda Finland uga go’an tahay inay sii xoojiso xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo maareynta socdaalka. Waxay sidoo kale muujisay sida ay Finland u dooneyso inay kor u qaaddo awoodda hay’adaha amniga ee Soomaaliya, si loo gaaro horumar waara iyo amni buuxa.

Latest stories