HomeWararAskar ka tirsan Ciidanka Puntland oo lagu dilay Qarax lagula beegsaday Gobalka...

Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo lagu dilay Qarax lagula beegsaday Gobalka Bari

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degaanka Tasjiic ee Gobolka Bari. Wararka ugu dambeeyay ee kasoo baxay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay ilaa lix Askari oo ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland. Sida ay sheegayaan wararku, ciidanka Puntland oo watay gaadiid dagaal ayaa marayay degaankaasi, waxaana miinada ay haleeshay mid ka mid ah gaadiidkii ay saarnaayeen.

- Advertisement -

Gaadiidka miinadu la kacday ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, iyadoo 6 askari ay ku dhinteen, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka Puntland ee la beegsaday ayaa u baxay howlgallo baacsi ah oo ka dhan ah dagaalamayaasha Daacish, kuwaas oo dhowaanahanba si aad ah uga howlgala gobolka Bari. Xaaladdu waxay noqotay mid kacsan, maadaama Daacish ay dagaal ba’an kula jiraan ciidanka ammaanka Puntland, waxaana dhanka kale Puntland ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay ka dhabeysay weerar lagu qaaday buuraleyda gobolka Bari, taas oo ay ku dishay tiro badan oo ka tirsan Daacish.

- Advertisement -

Puntland waxay sheegtay inay ku guuleysatay in ay dishay xubno badan oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan dagaalyahanno ajaanib ah oo ka yimid dalalka Carabta iyo qaar ka mid ah wadamada Afrika. Kuwaas oo u dagaalamayay Daacish si ay u fuliyaan hawlgallada kooxdaas.

Inkastoo ciidanka Puntland ay ku howlan yihiin hawlgallo sii socda oo ka dhan ah Daacish, weli saraakiisha ammaanka Puntland wax war ah kama soo saarin qaraxa maanta lala beegsaday ciidamada, taas oo muujinaysa sida ay xaaladdu u tahay mid weli kacsan oo adag.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada ay ka wadaan gobolka Bari, iyaga oo ku adkeysanaya in aysan ka dhaadhicin doonin dagaalamayaasha Daacish, isla markaana aysan jirin wax hakin ah oo lagu sameeyo hawlgalladaas ilaa iyo inta kooxdaas laga saarayo Gobalka.

Latest stories