HomeWararGuddoomiyaha SoDMA oo soo dhoweeyay madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee Bariga Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo soo dhoweeyay madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee Bariga Afrika

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku soo dhoweeyay madaxa hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Bariga Afrika Md. Laurent Bukera.

Kulanka labada masuul ayaa si dhaw loogu falanqeeyay xaaladda banii’aadannimo ee dalka, sidii ay wada-shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo abuuridda jawi u fududeynaya bahwadaagta howlaha gargaarka in ay waajibaadkooda si fudud u gutaan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa ka codsaday Laurent Bukera oo booqashadiisu kusoo aaday iyadoo laga cabsi qabo natiijo taban oo ka dhalata abaarta in Hay’adda WFP si dhaw ula shaqayso hay’adda SoDMA iyo Wasaaradaha Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee dowlad goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay xiriirka shaqo ee ka dhaxeeya SoDMA iyo WFP ayaa guud ahaan hay’adaha gargaarka iyo deeq-bixiyayaasha ugu baaqay in indhaha lagu hayo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan.

Latest stories