HomeWararXiisad Colaadeed oo Kacday: Somaliland iyo SSC Khaatumo oo Isku haysta Ceerigaabo

Xiisad Colaadeed oo Kacday: Somaliland iyo SSC Khaatumo oo Isku haysta Ceerigaabo

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, taasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo. Xiisaddaas colaadeed ee muddooyinkii dambe ka taagneyd magaalada Ceerigaabo ayaa saacadihii u dambeeyay sii adkaatay, iyadoo xaaladdu ay noqotay mid aad u kacsan, Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa degaannadaasi, waxaana […]

- Advertisement -

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, taasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo.

Xiisaddaas colaadeed ee muddooyinkii dambe ka taagneyd magaalada Ceerigaabo ayaa saacadihii u dambeeyay sii adkaatay, iyadoo xaaladdu ay noqotay mid aad u kacsan, Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa degaannadaasi, waxaana baraha bulshada laga arkay sawirro iyo muuqaalado muujinaya ciidamo diyaarsan oo labada dhinac ah.

- Advertisement -

Xogta aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegay in ciidamada Somaliland, oo ay weheliyaan milishiyaad hubaysan, ay saaka dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen magaalada Ceerigaabo, taasoo ka dhigan in xaaladda colaadeed ay sii xoogaystay. Isla markaana, ciidamada SSC-Khaatumo oo ku sugan degaanno ka baxsan Ceerigaabo ayaa sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo ka wadda aagagga ay ku sugan yihiin. Xogtaasi ayaa muujinaysa in labada dhinac ay diyaar u yihiin inay dagaal furan ku qaadaan midba midka kale, iyadoo aan jirin wax dadaal nabadeed ah oo lagu soo afjari karo xiisadda taagan.

Xiisadda colaadeed ee Ceerigaabo ayaa soo taxnayd dhowr bilood, iyadoo ay jiraan dagaallo qabiil oo hore u dhacay, kuwaasoo keenay kala-qeybsanaan dhexmarta bulshada deegaanka.

Dagaalladaasi ayaa sidoo kale ka dhacay degaanno kale oo ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ahaan degaannada u dhow Ceerigaabo, kuwaasoo la sheegay in ay ku lug lahaayeen kooxo kala duwan oo ka tirsan beelaha deegaanka. Waxaa sidoo kale la soo sheegay in dadka ku nool Ceerigaabo ay ka barakaceen dagaalladii hore, iyadoo xaaladda qaxootinimo ay tahay mid sii xumaaneysa.

- Advertisement -

Dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Laascaanood iyo degaannada ku dhow ayaa si weyn u kiciyay xiisadda colaadeed ee gobolka Sool. Somaliland ayaa horay looga qabsaday Laascaanood iyo magaalooyin kale oo muhiim ah oo ku yaal gobolka Sool.

Haddana, xiisadda ayaa si gaar ah u taagan magaalada Ceerigaabo, oo hadda noqotay goobta ugu muhiimsan ee laga wado dagaalka. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa doonaya in Ceerigaabo ay Somaliland ka faramaroojiso, sida ay ka dhaceen magaalooyinka kale sida Laascaanood, si ay u helaan maamulka buuxa ee gobolka.

 

Latest stories