HomeWararPuntland oo Shaaciyay in ay Gacanta ku dhigtay Dukumentiyo Sir ah oo...

Puntland oo Shaaciyay in ay Gacanta ku dhigtay Dukumentiyo Sir ah oo Laga Helay Daacish

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay heshay dukumentiyo sir ah iyo khariirad dagaal oo muhiim ah oo laga helay kooxda Daacish, kadib howlgaladii waaweynaa ee ciidamada Puntland ay ka fuliyeen deegaannada ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Daacish. Dukumentiyadan sirta ah ayaa muujinaya hawlgallada, dhaqaalaha, iyo xiriirka ay kooxda Daacish la leedahay shabakado kala duwan oo caalami ah.

Saraakiisha ciidanka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dukumentiyadani ay yihiin kuwa si toos ah ugu saabsan dhaqaalaha iyo hawlgalada dagaalka ee kooxda Daacish. S/Guuto Muumin Cabdi, oo ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamada Puntland, ayaa sheegay in dukumentiyada la helay ay ka kooban yihiin liisaska lacagaha ay kooxda Daacish qaadi jireen, iyo shirkadaha iyo hay’adaha lacagaha u diray, kuwaasoo ku jira xogta sirta ah ee laga helay saldhigyadii Daacish.

- Advertisement -

S/Guuto Muumin Cabdi ayaa intaas ku daray in dukumentiyadan ay sidoo kale muujiyeen in Daacish ay lacag been-abuur ah sameysay, taasoo ay ku hawlgelin jireen hawlgallada iyo maamulka ay ku lahaayeen deegaannada ay ka talinayeen.

“Dukumentiyadan waxaa ku qoran heshiisyo iyo xog muhiim ah oo tilmaamaysa sida ay lacagahaas ugu kala guurayeen xisaabaad kala duwan,” ayuu yiri S/Guuto Muumin Cabdi.

Waxaa sidoo kale la ogaaday in macdanta laga guran jiray buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ay ahayd mid si qarsoodi ah loogu iibin jiray suuqyo caalami ah. Macdantaas ayaa la sheegay inay ahayd isha ugu weyn ee dhaqaalaha kooxda Daacish, gaar ahaan marka loo eego awoodda ay u lahaayeen inay ka soo saaraan deegaannadaas.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Taliyaha Hawlgelinta Ciidanka PMPF, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in dukumentiyada laga helay Daacish ay sidoo kale ka mid yihiin baasaboorro iyo kaarar banki oo ay leeyihiin ajnabiya Carab ah, kuwaasoo ku soo duulay dalka Soomaaliya. Baasaboorradan iyo kaararka bankiga ee ajnabiga ah ayaa loo isticmaali jiray maalgelinta hawlgallada Daacish iyo in lacago lagu shubo xisaabaadka kooxdan.

“Waxaa noo soo baxday in qaar ka mid ah ajnabiga ku soo duulay Puntland ay xiriir la lahaayeen kooxaha argagixisada ah, waxaana sidoo kale laga helay dukumentiyo muujinaya in lacagahaas loo isticmaalay tababarada, hubka, iyo qalabka dagaalka,” ayuu yiri S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

Ciidamada Puntland ayaa dhowaan qaaday weeraradii ugu cuslaa ee ka dhan ah Daacish, waxaana howlgalka lagu qaaday dhowr jiho oo muhiim ah. Dagaaladii ugu cuslaa ayaa ka dhacay gobolka Bari, waxaana ciidamada Puntland ay qabsadeen fariisimihii ugu waaweynaa ee Daacish ku lahaayeen gobolkaas.

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka gaareen guulo waaweyn oo ay ku qabsadeen saldhigyo muhiim ah, iyo inay ciribtireen xubno ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxda Daacish ee ku sugnaa deegaannadaas.

 

Latest stories