HomeWararHaweenay Nin ay Carruur u dhashay Sunta Libaaxa ku dhishay oo gacanta...

Haweenay Nin ay Carruur u dhashay Sunta Libaaxa ku dhishay oo gacanta lagu dhigay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hey’adaha amniga Jubaland ayaa gacanta ku dhigay haweenay dilay ninkeedii hore, oo ay u dhashay lix carruur ah, falkaas oo ka dhacay Xaafadda Farjano, gaar ahaan waaxda Dalxiiska ee magaalada Kismaayo. Haweenaydan, oo lagu magacaabo Sahra Xuseen Maxamed, ayaa la sheegay in ay masuul ka ahayd dilka ninkeeda, Cabdullaahi Cabdirahmaan Abuukar, ka dib markii ay […]

- Advertisement -

Hey’adaha amniga Jubaland ayaa gacanta ku dhigay haweenay dilay ninkeedii hore, oo ay u dhashay lix carruur ah, falkaas oo ka dhacay Xaafadda Farjano, gaar ahaan waaxda Dalxiiska ee magaalada Kismaayo. Haweenaydan, oo lagu magacaabo Sahra Xuseen Maxamed, ayaa la sheegay in ay masuul ka ahayd dilka ninkeeda, Cabdullaahi Cabdirahmaan Abuukar, ka dib markii ay u dartay sun cabitaan uu geeriyooday.

Ciidanka ammaanka ayaa kadib howgal iyo baadi goob saacado qaatay, gacanta ku soo dhigay haweenayda, taasoo la rumeysan yahay in ay maseersanayd markii ay falka geystay. Dad goob-joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in ninkii uu geeriyooday kadib markii uu cabay cabitaankii ay sunta ku dartay.

- Advertisement -

Falka ayaa abuuray layaab iyo argagax bulshada magaalada Kismaayo, gaar ahaan xaafadda Farjanno, iyadoo bulshada ay si weyn uga naxday dhacdadan naxdinta leh. Hay’adaha Caddaaladda ayaa sheegay in Boolisku ay haweenayda u soo taagi doonaan cadaaladda, iyadoo horey loogu soo bandhigi doono maxkamad.

Dilka haweenaydan iyo xaaladda ka dhalatay waxay kor u qaadayso dareenka dadka ku nool magaalada Kismaayo, iyagoo weli ka sii naxaya dhacdadan murugada leh.

Latest stories