HomeWararFaah-faahinta: Qatar oo lagaga dhawaaqay heshiis xabbad joojin ah oo ay kala...

Faah-faahinta: Qatar oo lagaga dhawaaqay heshiis xabbad joojin ah oo ay kala saxiixday Isra’il iyo Xamaas

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Si loo dhameeyo dagaalka lagu hoobtay ee muddada 15-ka bilood ka socda Gaza, ayaa Arbacadi shalay magaalada Doxa ee caasimadda Qatar lagaga dhawaaqay heshiis xabbad joojin ah oo ay kala saxiixday Isra’il iyo Xamaas.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Isra’il ay Xabbada ka joojiso Gaza, xabsiyadana ka sii deyso qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta, halka Xamaas ay sii deyneyso la heystayaasha Israa’iiliyiinta.

- Advertisement -

Dhex dhexaadiyaasha ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqan gali doono Axadda soo socota, inta ka horreysana ay wax walba ku xirnaan doonaa sida ay u dhaqmaan labada dhinac.

Wajiga koowaad ee heshiiska oo socon doona lix todobaad ayaa ku billaaba doona in ay si tartiib tartiib ah ay ciidamada Isra’il uga baxaan Marinka Gaza, in Xamaas ay sii deyso 33 ka mid ah la heystayaasha oo ay ku jiraan dumar, carruur iyo ragga ay da’doodu ka weyntahay kontonka sano. Iyo in xabsiyada Isra’il laga fasaxo ilaa 1,000 maxbuus oo Falastiinyiin ah oo qaarkood xirnaa tobnaan sano.

Shir jaraa’id oo u uku qabtay Dooxa ayuu Ra’iisul wasaaraha Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ku sheegay, in dhex dhexaadiyaasha ay kala shaqeynayaan Isra’il iyo Xamaas dhameytirka tallaabooyinka kale ee u dhiman heshiiska.

- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa isna hadal uu ka jeediyay magaaladan Washington Arbacadi shalay ku sheegay, in heshiiskan uu joojin doono dagaalka Gaza, suuragalin doono in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka aadka ugu baahan ee Falastiiniyiinta Gaza iyo in ay la heystayaasha la midoobaan qoysaskooda.

Ra’isulwasaaraha Isra’il ayaa sheegay in heshiiska uusan wali dhameystirneyn, hase yeeshee madaxweynihiisa ayaa sheegay in heshiiska uu dhanka Isra’il ka dhameystirmi doono marka ay ansixiyaan golaha wasiirrada.

Latest stories