HomeWararWasiirka Arrimaha Dibedda oo Kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalay munaasabad uu kulan kula yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Qaahira ayaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalay munaasabad uu kulan kula yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Qaahira ayaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, Masar.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa jaaliyadda siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarka dalka iyo xaaladda uu marayo xiriirka wanaagsan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Masar. Sidoo kale, jaaliyadda oo ka kooban ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka Masar iyo ganacsatada halkaas ku dhaqan ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladahooda iyo caqabadaha ay la kulmaan, iyaga oo soo jeediyey talooyin iyo cabashooyin si loo horumariyo taageerada loo fidiyo.

- Advertisement -

Munaasabadda oo ku dhammaatay guul ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar, Amb. Cali Cabdi Awaare; Danjiraha Djibouti ee Masar, Amb. Axmed Cali Barre; Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Md. Daahir Maxamuud Geelle; iyo diblomaasiyiin ka kala socday Safaaradda JFS iyo Safaaradda Djibouti.

Latest stories