HomeWararGanacsade Soomaaliyeed oo maanta Gaarigiisa Qarax lagula beegsaday Magaalada Muqdisho

Ganacsade Soomaaliyeed oo maanta Gaarigiisa Qarax lagula beegsaday Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Ganacsade Ibrahim Mahamed Abdulahi, oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maanta ka badbaaday isku day dil oo lagu beegsanayay, ka dib markii gaarigiisa lagu xiray qarax miino. Falkaasi ayaa ka dhacay xilli uu marayay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa sababay burbur xooggan oo gaariga ka dhacay, waxaana gabi ahaanba jajabay muraayadaha gaariga, taasoo muujinaysa baaxadda iyo xoogga uu lahaa qaraxa la rabay in lagu dilo Ganacsade Ibrahim Mahamed Abdulahi. Si kastaba ha ahaatee, nasiib wanaag, ganacsaduhu wuu ka badbaaday falkaasi isku dayga dilka ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Deyniile ayaa xaqiijiyay dhacdadaasi qaraxa ah, waxaana sidoo kale sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa ay muujinayaan burburka weyn ee gaariga.

Dhanka kale, waxaan xiriir la sameynay Ganacsade Ibrahim Mahamed Abdulahi oo ka badbaaday qaraxaasi, waxaana uu inoo xaqiijiyay in isku daygaasi dilka uusan ahayn kii ugu horreeyay. Wuxuu sheegay in dhowr jeer hore uu ka badbaaday isku dayo dil oo la xiriira qaraxyo iyo weerarro kale.

29-kii May 2021, ayaa loogu beegsaday gaarigiisa qarax, taasoo sababay dhaawac culus oo ka soo gaaray, gaar ahaan kallidiisa oo laga saaray sababo la xiriira dhaawacaasi. Waxaana sidoo kale dhaawacyo kale oo dhanka garbaha ah kasoo gaaray Ganacsade Ibrahim.

Intaa kadib, 10-kii March 2024, ayaa sidoo kale qaraxyo loogu xiray dukaamo uu leeyahay Ganacsade Ibrahim iyo rag kale oo ganacsato ah. Qaraxyadaas ayaa sababay burbur iyo khasaare hantiyadeed oo ka dhashay dukaamadaasi, halkaasna waxaa ay ku waayeen dhammaan hantidii dukaamadaasi taallay, sida uu inoo xaqiijiyay Ganacsade Ibraahim.

Ganacsade Ibrahim Mahamed Abdulahi ayaa sheegay in tan iyo wakhtigaas uu la kulmay cagajuglayn iyo cabsi galin joogto ah, taasoo keentay in uu dalka ka tago si uu uga badbaado . Laakiin maalmo ka hor Uu kasoo laabtay Hargeisa, ayaa Sabab tay mar kale gaarigiisa loogu xiray qarax.

Ibrahim Mahamed Abdulahi ayaa ku eedeeyay weerarradan iyo isku dayada dil ee loo gaysto ganacsatada iyo shaqsiyaadka la beegsado inay ka dambeeyaan dagaalamayaasha Al-Shabaab (AS). Waxaa intaa dheer, in weerarradan noocaan ah ee qaraxyada gaariga lagu xirayo iyo dukaamada la beegsado ay yihiin kuwo inta badan ay gaystaan dagaalamayaasha Al-Shabaab, oo inta badan ka dambeeya falalkan argagixisanimo.

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya dhibaatooyinka ay ganacsatada Soomaaliyeed la kulmaan, iyadoo qaraxyada iyo weerarada joogtada ah ay caqabado waa weyn ku yihiin xasiloonida iyo horumarka ganacsiga dalka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories