HomeWararCiidamada ammaanka ee gobolka Hiiraan oo bilaabay howlgallo qorsheysan oo lagu qaaday...

Ciidamada ammaanka ee gobolka Hiiraan oo bilaabay howlgallo qorsheysan oo lagu qaaday isbaarooyinka

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ciidamada ammaanka ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay howlgallo qorsheysan oo lagu qaaday isbaarooyinka ka sameysan inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan. Howlgalladani ayaa ah kuwo si gaar ah loogu diyaariyay, iyadoo saraakiisha ammaanka gobolka Hiiraan ay sheegeen in tallaabooyin joogto ah lagu qaadi doono dadka ku hawlan jid gooyooyinka iyo isbaarooyinka ka dhaca deegaanka. […]

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay howlgallo qorsheysan oo lagu qaaday isbaarooyinka ka sameysan inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan. Howlgalladani ayaa ah kuwo si gaar ah loogu diyaariyay, iyadoo saraakiisha ammaanka gobolka Hiiraan ay sheegeen in tallaabooyin joogto ah lagu qaadi doono dadka ku hawlan jid gooyooyinka iyo isbaarooyinka ka dhaca deegaanka.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa si toos ah qayb uga ahaa howlgalka, iyadoo ciidamadu ay gaareen degaanno dhowr ah. Mid ka mid ah degaannada si gaar ah loo beegsaday waxaa ka mid ah deegaanka Laancadaad, oo horay loogu jiray isbaarooyin.

- Advertisement -

Taliska Booliiska gobolka iyo maamulka gobolka ayaa bulshada ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo xakameeyo loona baabi’iyo isbaarooyinka ku yaalla waddooyinka muhiimka ah ee dadka iyo gaadiidkaba. Taliyaha Ciidanka Xoogga, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa dhowaan sheegay in aysan u dulqaadan doonin isbaarooyinka faraha badan ee ka jira gobolka Hiiraan, wuxuuna amray in la bilaabo howlgallo culus oo lagu cirib-tirayo.

Howlgalladani ayaa la rajeynayaa inay gacan ka geystaan sidii loo xaqiijin lahaa nabadgelyo iyo in bulshada gobolka ay si nabad ah ugu safri karaan waddooyinka muhiimka ah.

Latest stories