HomeWararXaaskii Dayax Dalnuurshe oo goordhaw lagu aasayo Qabuuro ku yaalla Muqdisho

Xaaskii Dayax Dalnuurshe oo goordhaw lagu aasayo Qabuuro ku yaalla Muqdisho

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu aasayo Xaaskii Fanaanka caanka ah ee Dayax Dalnuurshe, Farxiya Cabdirixiin, ayaa ka socota Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Kumanaan qof oo ka kala socda ehelka marxuumadda, saaxiibada, iyo qeybaha kale ee bulshada ayaa ku sugan goobta loogu diyaar garoobayo janaasadda, iyadoo dareenka guud ee goobta uu ahaa mid aad u kacsan, maadaama ay geeridu saamaysay qalbiyada dadka ku xeeran.

Farxiya Cabdirixiin, oo caan ku ahayd magaca Farhiya The Bosslady, ayaa shalay ku geeriyootay Muqdisho. Geerida Farxiya ayaa noqotay mid aad u saameyn badan, taasoo dhalisay murugo iyo xanuun ballaaran oo ka dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Waxaa la xaqiijiyay in geeridu tahay mid ka mid ah kuwa ugu saameynta badan ee dhawaanahaan Soomaaliya ka dhacda, gaar ahaan maadaama ay Farxiya ahayd qof caan ah oo si weyn loogu jecel yahay muusigga iyo hawlaha fanka.

Dareenka dadka ku sugan Isbitaalka Madiina, ee ka qeybgalaya janaasadda Xaaska Fanaanka Dayax Dalnuurshe, ayaa ahaa mid layaableh. Dad badan ayaa si xanuun leh u muujiyay jacaylkooda iyo murugadooda, waxaana goobta laga maqlay oohin iyo qaylo, iyadoo ilinta aan la ceshan karin ay ka muuqatay saaxiibo badan oo si qoto dheer uga naxay geerida Farxiya.

Marxuumad Farxiya waxay ahayd qof saamayn weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed, Goordhaw ayaa marxuumadda lagu aasi doonaa qabuuraha ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaasoo ay ka bilowday qaban-qaabadii ugu dambeysay ee aaska.

- Advertisement -

Dadka ku sugan goobta aaska ayaa wada murna iyo duco, iyagoo u ducaynaya in Ilaah janadii fardowsa ka waraabiyo marxuumadda.

 

Latest stories