HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Duqa Muqdisho oo kulmay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Duqa Muqdisho oo kulmay

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Farahaaga Waxaa Ku Jira Wax Aadan Ogayn

Dad badan ayaan waligood dareemin, balse faraha iyo suulasha dadka qaar waxaa ka baxa timo aad u yaryar oo khafiif ah. Maxay yihiin, maxaase sababa in dadka qaar ay yeeshaan kuwo badan?

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray Turkiga si loo xoojiyo iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Ankara, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil iyo mas'uuliyiin Turkish ah oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga difaaca,

Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Buurhakaba, Soomaaliya oo la wareegtay amniga

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa ka baxay magaalada Buurhakaba kadib ku dhawaad 12 sano, iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Laba xildhibaan oo u tartamaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan is xogwarwsi xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, kaas oo uu goob joog ka ahaa Xoghayah guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri). Guddoomiyaha Golaha […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan is xogwarwsi xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, kaas oo uu goob joog ka ahaa Xoghayah guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyanimo isaga oo kula dardaarmay inuu xooga saaro sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada ay xaqa u leeyihiin oo ay dowladda uga baahanyihiin Iyo horumarinta Caasimadda.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay Qaabilada iyo hambalyada isagoo intaa kadib ka dalbaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii uu baarlamaanka u meel marin lahaa Maqaamka Caasimadda iyo bulshada Gobolka Banaadir ee dhowrka milyan ay u heli lahaayeen matalaad siyaasi ah oo la mid ah Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DFS.

Latest stories