HomeWararWaajid: Ciidamada Amniga oo Mudo Laba Sano Ah Aan Helin Mushaar iyo...

Waajid: Ciidamada Amniga oo Mudo Laba Sano Ah Aan Helin Mushaar iyo Xuquuq

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ee ku sugan magaalada aysan muddo dheer helin wax mushaar ah ama xuquuq kale. Saraakiisha amniga ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ay labadii sano ee ugu dambeysay ku shaqeynayeen xaalad mutadawacnimo ah, iyaga oo aan helin taageero […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ee ku sugan magaalada aysan muddo dheer helin wax mushaar ah ama xuquuq kale.

Saraakiisha amniga ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ay labadii sano ee ugu dambeysay ku shaqeynayeen xaalad mutadawacnimo ah, iyaga oo aan helin taageero dhaqaale ama xuquuq ay u qalmaan.

- Advertisement -

Taliyaha Booliska magaalada Waajid, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ciidamadaasi, tan iyo markii la aas-aasay, aysan waligood helin mushaar rasmi ah, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid horseedi karta niyad jab weyn. “Ciidanku waxay u shaqeeyaan iyagoo ku tiirsan dhiirigelinta wadaniyadda oo kaliya, balse ma sii wadi karaan dadaalkooda haddii aan laga jawaabin baahiyahooda,” ayuu yiri Taliyaha.

Saraakiishu waxay ugu baaqeen madaxda ugu sarreysa dowladda inay arrintan si degdeg ah uga jawaabaan, iyaga oo codsaday in xuquuqdii ciidamada loo raadsho.

Taliyuhu waxa uu ka digay in haddii xalka aan la helin, ay suurtagal tahay in difaaca magaalada uu wiiqmo, taas oo halis gelin karta amaanka magaalada Waajid oo muddo 8 sano ah go’doon ugu jirtay weerarada Al Shabaab.

- Advertisement -

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo xaaladda magaalada Waajid ay tahay mid adag, maadaama ay cunaqabateynta kooxda Al Shabaab ku hayaan magaalada saameysay dhinacyada nolosha iyo gaadiidka sahayda.

Saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada difaaca magaalada ay yihiin tiir muhiim ah, balse loo baahan yahay in xuquuqdooda si dhakhso ah loo daboolo si ay u sii wataan hawlahooda shaqo.

 

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts