HomeWararSarkaal Sare oo Somaliland ah oo ku biiray Maamulka SSC Khaatumo

Sarkaal Sare oo Somaliland ah oo ku biiray Maamulka SSC Khaatumo

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Wararka laga helayo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa xaqiijinaya in sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland uu isku dhiibay maamulka cusub ee SSC Khaatumo. Sarkaalkaasi, oo watay cutubyo ciidamo ah, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanka Dibqarax oo ku yaalla duleedka Ceerigaabo. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, sarkaalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka laga helayo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa xaqiijinaya in sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland uu isku dhiibay maamulka cusub ee SSC Khaatumo. Sarkaalkaasi, oo watay cutubyo ciidamo ah, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanka Dibqarax oo ku yaalla duleedka Ceerigaabo.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, sarkaalka la baxay magaca Gaashaanle-dhexe Cumar Axmed Cabdulle ayaa horey u ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka badda ee Somaliland ee gobolka Sanaag. Tallaabadan uu qaaday ayaa lagu tilmaamay mid muhiimad gaar ah leh, maadaama ay sii xoojisay ciidamada maamulka SSC Khaatumo.

- Advertisement -

Sarkaalka iyo ciidamadiisa ayaa waxaa soodhweeyay maamulka Khaatumo iyo bulshada deegaanka Dibqarax. Goosashada Gaashaanle-dhexe Cumar Axmed Cabdulle ayaa ku soo beegmaysa xilli labada maamul ay isku hayaan muran dhuleed iyo dagaallo siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay.

Dhowaan ayay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ku dagaalameen magaalada Ceerigaabo iyo deegaano kale oo ku dhow. Dagaalladan ayaa sababay khasaare xooggan, iyadoo ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya labada dhinac.

Gaashaanle-dhexe Cumar Axmed Cabdulle ayaa noqonaya sarkaalkii ugu dambeeyay ee ka goosta ciidamada Somaliland, kuwaas oo tiradoodu sii kordheyso.

- Advertisement -

Somaliland horey ayay uga goosteen saraakiil sare iyo ciidamo ka tirsanaa maamulkooda, kuwaas oo ku biiray maamulka SSC Khaatumo.

Si kastaba ha ahaatee, lama faahfaahin sababta rasmiga ah ee keentay goosashada sarkaalkaasi, iyadoo aan weli wax war rasmi ah kasoo bixin labada dhinac, Somaliland iyo SSC Khaatumo. Hase yeeshee, arrintan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah muranka siyaasadeed iyo dagaalka ka taagan deegaannada ay ku muransan yihiin labada dhinac.

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts