HomeWarar12 Sano kadib Ciidankii ugu Horreeyay ee Xudur Lagu Tababaray oo Weeraray...

12 Sano kadib Ciidankii ugu Horreeyay ee Xudur Lagu Tababaray oo Weeraray Al-Shabaab

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Qaybo ka mid ah Gobalka Bakool ayaa weeraro culus ku qaaday fariisimo ay As ku lahaayeen Gobalkaasi. Howgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay  Ururka 96-aad, Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhawaan Tababar loogu soo xiray laguna qalabeeyay Magaalada Xudur. Degaanno badan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Qaybo ka mid ah Gobalka Bakool ayaa weeraro culus ku qaaday fariisimo ay As ku lahaayeen Gobalkaasi.

Howgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay  Ururka 96-aad, Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhawaan Tababar loogu soo xiray laguna qalabeeyay Magaalada Xudur.

- Advertisement -

Degaanno badan oo dhaca Gobolka Bakool, ayay sheegeen saraakiisha Ciidankaasi inay ka sameeyeen weeraro cagmarin ah oo ka dhan ah As.

waxaana ay noqonayaan 12-Sano kadib, Ciidankii ugu horreeyay ee Xoogga dalka katirsan oo lagu Tababaro Magaalada Xudur.

Howlgalka ayay ka fuliyeen tuulooyinka kala ah Banjinaay, aboore ilaa teed oo udhaxeeya Degmooyinka Xudur iyo Ceel-berde.

- Advertisement -

Howlgalkaas waxaa hoggaaminayay Taliye Ku-xigeenka Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Dhamme Cilmi Aadan Isxaaq, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Ururka 96-aad ee Guutada 9-aad Dhamme Dhaahir Maxamed.

Khasaaraha ka dhashay intii howgalku socday lama sheegin, balse waxaa la aaminsan yahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac wac leh, maaddaama Ciidanku ay ka dul tageen fariisimihii As ee degaanadaaasi.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts