HomeWararPuntland oo war kasoo saartay dagaal dhex-maray Ciidanka Difaaca Puntland iyo Daacish

Puntland oo war kasoo saartay dagaal dhex-maray Ciidanka Difaaca Puntland iyo Daacish

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Dowlad Goboleedka Puntland war ka soo saartay weerarkii saaka ee degaanka Dharjaale ee dhexmaray Ciidanka difaaca Puntland iyo dagaalamayaal ka tirsan Daacish oo weeraray fariisimo ay lahaayeen Ciidanka Puntland. Puntland bayaan kasoo baxay ayaa lagu sheegay ayaa in aysan cidna dib uga laaban dagaalamayaashii weerarka soo aaday oo dhammaantood ciidanku dileen. Bayaanka oo si gaar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland war ka soo saartay weerarkii saaka ee degaanka Dharjaale ee dhexmaray Ciidanka difaaca Puntland iyo dagaalamayaal ka tirsan Daacish oo weeraray fariisimo ay lahaayeen Ciidanka Puntland.

Puntland bayaan kasoo baxay ayaa lagu sheegay ayaa in aysan cidna dib uga laaban dagaalamayaashii weerarka soo aaday oo dhammaantood ciidanku dileen.

- Advertisement -

Bayaanka oo si gaar ah kaga soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in dhammaan dagaallamayaashii weerarka soo qaaday lagu dilay.

” Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee Gobolka Bari, ayaa saaka fashiliyey isku dayga weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Kooxda Daacish” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa intaasi ay ku dareen in ajaanib ay ka mid ahaayeen dadka weerarka soo qaaday “waxaana halkaasi Ciidanku ku dileen oo aysan cidi ka laaban dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badan Ajaanib.” Ayay intaas ku dareen.

- Advertisement -

Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada difaacu ku ruqaansadeen degaannadii ay weerarka ka soo qaadeen kooxaha Daacish.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts