HomeWararKoox daacad u ah Madaxweynihii hore ee Suuriya oo dad laayay

Koox daacad u ah Madaxweynihii hore ee Suuriya oo dad laayay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Maamulka cusub ee mucaaradka ee Suuriya ayaa sheegay in 14 ka mid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha la dilay, halka 10 kalena lagu dhaawacay “weerar gaadmo ah” oo ay fuliyeen xoogag daacad u ah madaxweynihii xilka laga tuuray, Bashar al-Assad, galbeedka dalkaas.

Waxay sheegeen in dagaalku uu ka dhacay meel u dhow dekedda badda Mediterranean-ka ee Tartous, Talaadadii.

- Advertisement -

Wararka ayaa sheegaya in ciidammada amniga lagu weeraray si gaadmo ah markii ay isku dayeen inay qabtaan sarkaal hore oo lala xidhiidhinayo doorarkiisa xabsiga caanka ah ee Saydnaya, oo ku dhow caasimadda Dimishiq.

Wax ka yar laba toddobaad ka hor, madaxtinimadii Assad ayaa u gacan gashay xoogag mucaarad ah oo uu hoggaamiyo garabka Islaamiga ah ee Hay’at Tahrir al-Sham (HTS).

Ururka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha ee fadhigiisu yahay UK (SOHR) ayaa sheegay in saddex ka mid ah dagaalyahanada mucaaradka ay sidoo kale ku dhinteen iska horimaadyada.

Latest stories