HomeWararDagaal dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyay oo hadda ka socda Degaanka Dawacaleey

Dagaal dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyay oo hadda ka socda Degaanka Dawacaleey

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Dawacaaley oo ka tirsan degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee dowlad-degaanka Soomaalida Galbeed. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu weli socdo, iyadoo marba marka ka dambeysa uu dagaalku sii xoogaysanayo. Wararka aan helnay waxay sheegayaan in dagaalka u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Dawacaaley oo ka tirsan degmada Xarshin ee gobolka Faafan ee dowlad-degaanka Soomaalida Galbeed.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu weli socdo, iyadoo marba marka ka dambeysa uu dagaalku sii xoogaysanayo.

- Advertisement -

Wararka aan helnay waxay sheegayaan in dagaalka u dhexeeyo ciidamada Amniga dowlad-degaanka Soomaalida iyo maleeshiyaad hubaysan oo ka horyimid nidaamka dowliga ah ee maamulkaasi.

Dagaalka ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana illaa iyo hadda aan la helin xog rasmi ah oo ku saabsan tirada rasmiga ah ee dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay.

Saraakiisha Amniga dowlad-degaanka Soomaalida Galbeed ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid ay wateen maleeshiyaadka ka qayb qaatay dagaalka subaxnimadii saaka, waxayna sidoo kale sheegeen in hawlgallo sii socda ay ka socdaan si loo soo afjaro maleeshiyaadkaasi.

- Advertisement -

Xaalada deegaanka ayaa weli ah mid kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu sii faafiyo haddii aan si degdeg ah loo qaadin tallaabooyin lagu xakameynayo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts